TAXANAHA CAAFIMAADKA.
Faa’iidooyinka Caafimaad ee laga helo Tufaaxa.
Tufaaxu waa miro ka mid ah khudaarta, Geedka tufaaxa oo saynis ahaan lagu magacaabo Malus domestica waa geed miro macaan leh kaasi oo la cuno khudaarta uu dhalo, geedka tufaaxu wuxuu asal ahaan markii ugu horeysay laga helay bartamaha qaarada Aasiya, halkaasoo la sheegay in ilaa maanta laga helo noocyo badan oo tufaax ah.
“An apple a day keeps a doctor away” waa odhaah reer galbeed ee inbadan jirtay, macnaheeduna waa maalinkasta hadaad mid tufaax ah cuntid dakhtar u baahan maysid oo ka dhigan si fudud u xanuusan maysid. Talow maxaa ka jira odhaahdan, sii akhri si aad u baratid caafimadka ku jira tufaaxa:
1. Tufaaxu wuxu leeyahay macdanta loo yaqaano potassium, calcium, phosphorous, iyo iron. Waxana ku jira in ku filan isticmaalka jirka.
2. Waxaa tufaaxa ku jira walax la dagaalanta kolostroolka (cholesterol) ee xididada dhiiga ku soo uruura.
3. Tufaaxu wuxu burburiyaa dhagaxa xameetida (gallbladder stones).
4. Xabada tufaaxa waxa ku jira “fibers” shan laab ah intuu jirku u baahan yahay maalintii.
5. Tufaaxu wuxu fududeeyaa shaqada beerka, kelyaha iyo kaadi haysta.
6. Waxaa ku jira walaxda loo yaqaano boron ee adkaysa lafaha jirka.
7. Wuxuu tufaaxu yareeyaa halista uu kugu haleeli karo kansarka sambabada (lung cancer).
8. Wuxu yareeya qufaca iyo xaakada.
9. Wuxu caawiyaa in lagaga takhaluso aysiidhka iyo inuu xasilo macaanka.
10. Wuxu kugu caawin karaa inaad miisaanka iskaga ridid.
Hadaad tahay walaal ku cusub boggan, nagula soo biir si aad ula socoto qormooyin iyo muuqaalo xiiso badan.
No comments:
Post a Comment