Thursday, 1 July 2021

TAXANAHA CAAFIMAADKA. Faa’iidooyinka Caafimaad ee laga helo Tufaaxa.

 TAXANAHA CAAFIMAADKA.


Faa’iidooyinka Caafimaad ee laga helo Tufaaxa.


Tufaaxu waa miro ka mid ah khudaarta, Geedka tufaaxa oo saynis ahaan lagu magacaabo Malus domestica waa geed miro macaan leh kaasi oo la cuno khudaarta uu dhalo, geedka tufaaxu wuxuu asal ahaan markii ugu horeysay laga helay bartamaha qaarada Aasiya, halkaasoo la sheegay in ilaa maanta laga helo noocyo badan oo tufaax ah.


“An apple a day keeps a doctor away” waa odhaah reer galbeed ee inbadan jirtay, macnaheeduna waa maalinkasta hadaad mid tufaax ah cuntid dakhtar u baahan maysid oo ka dhigan si fudud u xanuusan maysid. Talow maxaa ka jira odhaahdan, sii akhri si aad u baratid caafimadka ku jira tufaaxa:


1. Tufaaxu wuxu leeyahay macdanta loo yaqaano potassium, calcium, phosphorous, iyo iron. Waxana ku jira in ku filan isticmaalka jirka.


2. Waxaa tufaaxa ku jira walax la dagaalanta kolostroolka (cholesterol) ee xididada dhiiga ku soo uruura.


3. Tufaaxu wuxu burburiyaa dhagaxa xameetida (gallbladder stones).


4. Xabada tufaaxa waxa ku jira “fibers” shan laab ah intuu jirku u baahan yahay maalintii.


5. Tufaaxu wuxu fududeeyaa shaqada beerka, kelyaha iyo kaadi haysta.


6. Waxaa ku jira walaxda loo yaqaano boron ee adkaysa lafaha jirka.


7. Wuxuu tufaaxu yareeyaa halista uu kugu haleeli karo kansarka sambabada (lung cancer).


8. Wuxu yareeya qufaca iyo xaakada.


9. Wuxu caawiyaa in lagaga takhaluso aysiidhka iyo inuu xasilo macaanka.


10. Wuxu kugu caawin karaa inaad miisaanka iskaga ridid.

Hadaad tahay walaal ku cusub boggan, nagula soo biir si aad ula socoto qormooyin iyo muuqaalo xiiso badan.

FAAIIDADA CAAFIMAAD EE UU #MALABKA LEEYAHAY:-

 FAAIIDADA CAAFIMAAD EE UU #MALABKA LEEYAHAY:-


Malabku wuxuu leeyahay faa’iidooyin aan la sookoobi Karin oo dhinacyo badan leh…waxyaabaha uu ka kooban yahay malabku waa waxyaabo cajiib ah  oo aad u qiimo badan waana tan ka dhigtay malabka dawo awood leh oo wax loo dhigo aysan jirin…waxaa nagu filan sida  qur’aanku uu u tilmaamay dawonimadda malabka…hawraarta soo socda waxaan ku xusi doonaa qayb yar oo ka mid ah faa’iidada balaaran ee malabku leeyahay  iyadoo aan ka shidaal qaadanaydo tijaabooyinkii iyo baaritaanatii cilmiyeeysnaa oo laga sameeyey malabka sanadihii tagay baaritaanadaas oo ka kala dhacay gayiga soomaaliya iyo meelo kale oo caalamka ah.


Waxaa la xaqiijiyey kiilo malab ah waxy  jirka siisaa ama ay uuu ka helaa inta uu ka helo (3.5) kiilo hilib ah ama (12) k.g oo khudaar ah ama (5)liitar oo caano ah!!!!


Malabku wuxuu magaa ama uu kabaa tamarta jirka uu lumiyey hawsha maskaxda iyo muruqa ay qabteen awgeed…u fiirso malabka waxaa ku jira sokorta gulukos( oo si fuduf jirku uu u nuugo iyo sokorta faragtooz oo jirku uu si tartiib tartiib ah u nuugo taasoo u fiican dadka qaba macaanka.


Malabku waa maado loo isticmaali karo daweyn iyo ka hortag cudur, sidoo kale malabku waa raashin aad u qiimo badan oo leh nafaqo..wuxuu u fiican yahay caruurta,dadka wayeelka ah …. malabku caloosha kuma daaho  dheefshiidkuna si fudud ayuu u badalaa sidoo kale habdhiska xanjo difaaca (lymphatic system) ayuu  si fudud ugu milmaa si dhiigga uu u raaco.


Malabku wuxuu daweeyaa xanuunada dheefshiidka ku dhaca wuxuu kordhiyaa dhaqdhaqaaqa mindhiciradu ay sameyen isagoo ka hortaga calool fadhiga..malabku kuma keeno calool qurun marka laga hadlayo  dadka ka jiran dheefshiidka..malabku wuxuu firfircooni galiyaa hawlaha cunto badalista ee ee jirku uu sameeyo isagoo ka dhiga qashinsaarka jirka mid aad u fudud..


malabku wuxuu ka takhalusaa dhanaanka caloosha ee zaa’idka ah isagoo ka hortag u noqda qaadista boog calooleedka labadiisa nooc.

Malabku wuxuu daawo u yahay xanuuunka beerka ee habitaatis (B) sidoo kale xanuunka xameetida ayuu u fiican yahay wuxuu fududeeyaa burburinta quruuraca xameetida marka lala isticmaalo malabka (gawska)

 


Mlabku wuxuu u fiican yahay gubashada iyo bogsiinta nabarada iyo boogaha si dhaqsi ah, wuxuu kaloo u fiican yahay dadka tabarta daran,dhiigyarida ,cyilinta caruurta caatada ah waxaa aad ugu badan uraada(fitamin)  C & B12

 


Malabu wuxuu la dagaalamaa hurdo la’aanta,waxaa kaloo loo isticmaalaa daweynta madax xanuunka neerfaha,


waxaa ku badan malabka idilkoobaha fitamin(vitamin B complex)

Sidoo kale malabku wuxuu u fiican yahay cudurrada ku dhaca habdhiskak neefmareenka sida:caburka neefta,hargabka waxaa ku jira malabka maadooyin waasiciya neefmareenka wuxuu kaloo malabku u roon yahay xanuunka qumanka,cunaha iyo hargabka qallalan.


Malabku wuxuu daawo wax ku ool ah u yahay caabuqyada jirka (infakshinada) ee kala duwan wuxuu meel saaraa mooryaanta ilma’aragtada ah (microbs) waliba kuwa ugu daran sida:(salmonella ) staphilicis microcosis basilis),


Wuxuu u fiican yahay sidoo kale quudinta bukaanka ku jira xilliga soo kabasho,wuxuu ka hor tagaa duqnimada degdega ah,wuxuu kaloo u fiiican yahay xoojinta aragga indhaha..waxaana ku jira fitamin A

Malabku wuxuu xoojiyaa habdhiska difaaca jirka..waxaa ku jira maaddada(kaarootiin) ,cagaariso(clorophil) iyo maaddada ka hortagta xargaga jirka ee (antioxidant)

 


Malabku wuxuu u wacan yahay uurayda iyo umusha,waxaa aad loo isticmaalaa xilliga dhalmada oo uu fududeeyo waxaa kaloo loo isticmaalaa xanuunka yimaada xilliga caadada ee haweenka.

Malabka waxaa loo adeegsadaa daweynta kansarka waxaa ku jira maadooyin u fiican dawaynta kansarka oo ka tayo badan maaddooyinka dawada kiimikalka ah ku jira.

Wednesday, 30 June 2021

TAXANAHA CAAFIMAADKA. Waa Maxay Faa’iidada Caafimaad ee Laga Helo Mooska?

 TAXANAHA CAAFIMAADKA.


Waa Maxay Faa’iidada Caafimaad ee Laga Helo Mooska?


Moosku wuxuu ka mid yahay khudaarta ugu badan ee dalkeenna laga helo, isla markaana qiimo ahaan ugu jaban, Haddii aad ogaato faa’iidooyinka caafimaad ee mooska, waxaa hubaal ah inay isbeddeli doonto habka aad u aragto, Cunidda moosku waxay kordhisaa tayada faya-qab iyo caafimaad ee aadanaha.


Moosku waxa uu leeyahay tamar (Energy) waxaana laga helaa maaddada Potassium-ka oo faa’iido weyn u leh caafimaadka. Sidoo kale mooska waxaa ku jiro borotiin loo yaqaano “Tryptophan” oo maskaxda firfircooni siiya.


Sidoo kale mooska waxaa laga helaa macdanno kala duwan sida fitamiinnada B6, C, macdanta magnesium, copper, protein iyo dufan.


Mooska waxa uu leeyahay faa’iidooyin aad u tiro badan oo aan halkana lagu soo koobi karin waxaana ka mid ah:


1:Wuxuu isu-miisaamaa dheecanada jidhka “hormones” mooska waxa ku jira xaddi badan oo maaddooyinka Potassium iyo Vitamin B6 ah kuwaas oo sarre u qaada soo saarista xaddiga dheecaan walba ee loo baahanyahay.


2:Dhiig-karka: Mooska waxaa aad ugu badan maadda potassium, waxaana ku yar cusbada. Hay’adda maamusha cuntada iyo daawada ee dalka Mareykanka ayaa u oggolaatay shirkadaha mooska ka shaqeeya inay si rasmi ah u sheegtaan in mooska uu awood u leeyahay inuu yareeyo khatarta dhiig-karka iyo shalalka.


3:Wuxuu yareeyaa Niyad-jabka “Depression”: Moosku wuxuu yareeyaa heerka cadaadiska maskaxda ee ka dhasha wel-welka, walbahaarka iyo caloolyowga.


4:Waxa uu daweeyaa gaaska: moosku waxa uu ka hortagaa gaaska iyo nabarrada ku samaysma caloosha iyo mindhicirrada, Sidoo kale moosku waxa uu daweeyaa gaaska iyo nabarada caloosha.


5:Moosku wuxuu ilaaliya Tayada dhiiga: moosku waxa uu ilaaliyaa tayada iyo caafimaad qabka nudayaasha dhiiga, Cun 2 moos ah subax walba si aad uga badbaado dhiig-la’aanta.


6:Waa u daawo calool istaagga: Maadaama moosku ka mid yahay cunnooyinka ama khudaarta qolofta amaba diirka leh “Fiber” waxa uu daweeyaa calool istaagga, Cun 2xabo oo moos ah maalin walba oo ka takhallus calool istaaga.


7:Waxa laga helaa tamar “Energy”: Mooska waxaa ku jira 3 nooc oo sokor dabiici ah oo kala ah fructose, glucose iyo sucrose kuwaas oo ka caawiya jirku in uu helo tamar ku filan.


8:Wuxuu xoojiyaa lafaha: Moosku waxa uu xoojiyaa lafaha, Moosku wuxuu fududeeyaa nuugista calcium ka oo ah maaddo lafaha u roon. Sidaa darteed waxa uu lafaha ka dhigaa kuwo caafimaad qaba oo xooggan.


9:Wuxuu la dagaallama cudurrada: Moosku waxa uu yareeya sumowga jirka waxaana uu jirka ka nadiifiyaa wasakhda.


10:Wuxuu kordhiyaa xusuusta: cunidda moosku waxay sare u qaaddaa awoodda xusuuseed ee qofka, Xaddi badan oo ah Maadooyinka tryptophan, potassium iyo magnesium ee ku jira moosku waxay sare u qaadaan xusuusta.


11:Waxa uu yareeyaa halista dhiig-karka: Moosku waxa uu yareeyaa halista qofku ku qaadi karo xanuunka dhiig-karka “Dilaaga aamusan”. Maadaama mooska ay ku yartahay maaddada Sodium isla markaana ay ku jirto Potassium badan wuxuu 10% yareeyaa halista dhiig-karka.


12:Wuxuu caawiya Luminta miisaanka dheeriga ah: Moosku waxa uu sahlaa saarista iyo luminta baruurta aan loo baahnayn ee jirku kaydiyo.


Qodobkee Darenkaaga Si Gaar Ah Usoo Jiitay?


Akhriste ugu yaraan hadaad akhrisatay qormadan caafimaad mahadsanid 

TAXANAHA CAAFIMAADKA. Faa’iidooyinka Caafimaad ee laga helo Tufaaxa.

 TAXANAHA CAAFIMAADKA. Faa’iidooyinka Caafimaad ee laga helo Tufaaxa. Tufaaxu waa miro ka mid ah khudaarta, Geedka tufaaxa oo saynis ahaan l...